Xeebaha Dalka Somaliya oo ay Soo Gaareen Maraakiin Dagaal oo Laga Leeyahay Dalalka Spain,France iyo Italy

0
89

Sida ay shaacisay Hay’adda kor kala socota howlaha Burcadbadeeda waxaa Xeebaha Soomaaliya soo gaaray Maraakiib dagaal oo laga leeyahay Spain,France iyo Italy.

Maraakiibtaan ayaa waxa ay bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida oo la sheegay in dib usoo laabatay khatartooda.

Sidoo kale Maraakiibtaan ayaa si weyn u ilaalin doona Xeebaha Soomaaliya iyo Maraakiibta Ganacsiga ee Maraya badweynta Hindiya.

Tani ma aha markii ugu horeysey oo ay maraakiib dagaal soo gaaraan xeebaha dalka somaliya ayagoo inta badan sheega iney la dagaalamayaan burcad badeedka balse aysan waxba ka qaban kooxaha sida sharci darada uga kaluumeysta xeebaha dalka somaliya.