Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Ku Baaqey In La Meel Mariyo Xukuumada Cusub

0
30

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya in ay meel mariyaan xukuumada cusub ee dhawaan uu soo dhisay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu taageeray gollaha wasiirada cusub oo sida uu hadalka u dhigay ah dad aqoonyahanno ah oo ka soo bixin kara howsha loo idmaday, sidaa daraadeed baarlamaankana uu ka filayo in ay codka kalsoonida siiyaan.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale xildhibaannada ku wargaliyay marka ay xukuumada shaqo gasho in ay la yimadaan isla xisaabtan dhab ah laakiin inta ka horeysan aan wax is hortaag ah lagu sameyn gollaha wasiirada cusub.

Si kastaba arintu ha ahaatee xukuumadan cusub ee uu soo dhisey reysulwasaare Kheyre ayaa waxa ugu badan ee lagu heysto tahay in la hareer marey qaabkii ay somali ku hishiisey in wax lagu qeybsado taasoo qabailada qaar ay ku tilmaameen xaq daro.