Dhegeyso: Cudurka Shubun Biyoodka oo Ay u Dhinteen In Ka Badan 60 Ruux Deegaanka Awdiinle ee Degmada Baydhaba

0
68

Wararka aynu ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ku dhawaan 60 ruux halkaa ugu geeriyoodeen cudurka shuban biyoodka deegaano hoostaga degmada.

Dadka ku geeriyooday cudurka shubanka ayaa isugu jira carruur iyo dad waa weyn, waxaana jira dad fara badan oo aad u liita, kuwaasoo goobo caafimaad la dhigay.

Guddoomiyaha arrimaha bulshada ee deegaanka Owdiinle C/llaahi Cumar Maxamed ayaa sheegay in dadka u dhintay cudurka shuban biyoodka ay gaarayaan illaa 6o ruux.

Waxaa uu sheegay in in ka badan 60 kale ay la il daran tahay, waxaa uu ku baaqay in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro dadka uu soo ritay cudurkan.

Isbitaallada iyo goobaha caafimaadka oo u hagaagsaneyn sidii loo bahnaa ayaa la tacaalaya caafimaadka dadka uu cudurkan soo ridanayo.

Cabdullaahi-Cumar-Maxamed

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Cabdullaahi Cumar Maxamed Mobil