Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Maanta Si Rasmi Ah u Furey Kalfadhigii Koowaad ee Baarlamaanka

0
26

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow si rasmi ah u furay kalfadhigii koowaad ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya,

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn ku soo dhoweeyay Madaxweynaha in uu jeediyo khudbadiisa dastuuriga, si uu u furo kalfadhiga koowaad, waxaana uu xusay si Madaxweynuhu u guto waajibaadkiisa dastuuriga ay tahay inuu furo kalfadhiyada Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay baarlamaanka Soomaaliya, sidii ay uga dhabeeyeen dareenka umadda Soomaaliyeed iyo is bedelkii ay hor-seedeen 8-dii bishii February, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed dibad baxyadii ay ku soo dhoweeyeen doorashadiisa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ilaalin doono ammaanadi loo dhiibay, isla markaana ka dhabeyn doono balamadii uu ka qaaday xilligii uu doorashada ku jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in barnaamijkiisa Nabad iyo Nolol uu saldhig u noqon doono La dagaalanka Musuq maasuqa iyo Nabad diidka sida uu hadalka u dhigay.