Afhayeenka Alshabab Sheekh Cali Dheere oo Sheegey In Dagaalka Ay Dowlada Kula Jiraan uu Socon Doono

0
96

Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegtay in marnaba aysan joojin doonaan dagaalka ay kula jirto dowladda federaalka iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM, kadib doorashadii dhawaan ka dhacday dalka.

Afhayeenka xarrakada Al-shabaab Cali Max’uud Raage ayaa sheegay in dowladaha reer galbeedka ay gadaal ka taagan yihiin dowladdan, isagoo ku goodiyay in dagaalka uu halkiisa ka sii socon doono, oo aan wax is bedeli ah soo kordhin doonin magacyada cusub iyo shaqsiyaadka hoggaanka qabtay sida uu yiri.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay dadka soomaaliyeed in aysan ku kadsoomin, waxa uu ugu yeeray shirqoollada iyo dhagarta cadawga, isagoo caddeeyay ee maamulka cusub ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uusan ka duwaneyn maamuladii ka horeeyay.

Hadalka ka soo yeeray Al-shabaab ayaa imanaya xili dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay in dowladdiisa sida ugu dhaqsiyaha badan u soo afjari doonto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.