Reysulwasaraha Cusub ee uu Dhawaan Magacaabey Madaxweynaha oo Maanta La Kulmey Xubno Ka Tirsan Baarlamaanka

0
26

Kulankaan oo uu manta Ra’iisul wasaraha magacaaban ee dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre uu la qatay Xildhinabaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayuu kaga codsaday in ay codka kalsoonida siyaan marka uu hortago Golaha shacabka Soomaaliya si uu ugu adeego Dalka, isla markaana ay tageeraan Xukumadda uu soo dhisi doono.

Mudane Xasan Cali kheyre ayaa Xildhibaanada kulankan kula qaatay hoyga uu ka degan yahay Madaxtooyadda u soo bandhigey Barnamijka Xukuumadda uu ku hogaamin doono si dalkeenu u gaaro horumarka ay shacabka Soomaaliyeed hiigsanayaan, kaasi oo ay si wayn usoo dhaweyeen Xildhibanadii kulanka ka qayb galay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ee manta kulanka la yeeshay Ra’iisul wasaraha magacaban ayaa tilmaamay in mudane Xasan Cali kheyre uu yahay aqoon yahan ku haboon in uu hogaamiyo Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya ee magaacaban ayaa hortagi doono xubnaha Golaha shacabka Soomaaliya sidi uu kalsooni u waydiisto uu ku hogaamiyo Xukuumadda Soomaaliya sida ku cad qodobka 69 ee dastuurka KMG ah ee dalka.