Guddoomiyaha gudiga doorashada C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa mar kale sheegay in leysku afgartay in dib loo qabto dooddii musharixiinta xilka madaxweynaha, oo markii uu lagu dhawaaqay in gabi ahaanba la joojiyay.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in arintaa go’aankeeda gaareen gudiga doorashada madaxweynaha, madaama daruuftii markii hore loo baajiyay dooda laga baxay, islamarkaana Internet –kii xoogiisa uu soo laabtay.
Gudoomiyaha gudiga doorashada C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa horay u sheegay in gabi ahaanba jadwalka laga saaray qodobka ku saabsan doodda musharixiinta kadib markii leysku khilaafay, hasse ahaatee waxaa arintaa ku gacanseyray oo diiday musharixiinta xilka madaxweynaha oo sheegay in guddigu awood gaar ah u laheyn in uu badalo qodob ka mid ah jadwalka doorashada.
Si kastaba arintu ha ahaatee doodan ay doonayaan in ay qabtaan gudiga qaban qaabada ayaa ah mid aan la aqoon dalalka aft=rica iyo carabta balse laga soo min guuriyey dad in mudo ahba ku dhaqmayey dimoqradiyada ma noqon doontaan dad is dhegeysta mise goobta waxey noqon doontaa goob la isku feero.
