Doorashooyinka Xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo Mar Kale Dib u Dhac Ku YImid

0
31

Guddoomiyaha guddigaasi Gen Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ku eedeeyay dib u dhaca ku yimid doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi ee Soomaaliland guddiga doorashada dadban.

Jaaamac Max’ed Qaalib ayaa sheegay in howlaha laga doonayay guddigooda ay soo idleeyeen muddo bil ka hor balse guddiga doorashada dadban ay heystaan sanaadiiqdii cod bixinta iyo shaqaalihii ka shaqeyn lahaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro jiro isqabqabsi la xiriira xubno cusub oo la doonayo in lagu badalo shaqsiyaad guddiga ay soo gudbiyeen, sida uu sheegay Jaamac Maxamed Qaalib.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in warqad baaris ah ay u gudbiyeen xarunta dambi baarista CID, maadaama sida uu sheegay lagu soo daray liiska musharixiinta shaqsiyaad aysan horey u gudbin.