Biyo La,aan Laga Soo Sheegayo Deegaano ka Tirsan Gobolka Bakool

0
56

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dadka halkaa ku dhaqan soo food saartay biyo la’aan daran.

Dadka ka soo barakacay deegaannadan ay ka jiraan biyo la’aanta iyo baad yarida ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dadka oo intooda badan iska ahaa baara qodoto ayaan sanadkan helin wax miro ah oo uga soo go’ay beerahooda, taasoo keentay in ay soo food saarto xaalad adag oo dhinaca nolasha ah.

Deegaanada Bakool ee biyo yaraanta saameysay ayaa waxaa ka mid ah Yeed, iyo deegaanno hoostaga oo dadku siweyn uga barakacyaan.

Ceelasha ayaa la sheegay in aad u biyo yareeyeen qaarkoodna wax biyo ah malaha, waxaana dhintay tiro badan oo xoolo ah, waxaana la leeyahay xitaa dadka ayaa geeri qarka u saaran.