Qaar Ka Tirsan Waxgaradka Koonfur Galbeed oo Soo Dhaweeyey Musharaxnimada Prof. Idris Takhar Kuna Baaqey In La Taageero

0
53

Aqoonyahano iyo waxgarad kasoo jeeda koonfur galbeed ayaa habeenkii xaley kulan deg deg ah iskugu yimid  ka dib kolkii uu ku dhawaaqay Prof. Idris Takhar inuu isu taagay xilka Godoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed.

Kulankaasi ayaa waxaa lagu gorfeynayey sii taageero buuxdo loo siin lahaa Prof. Idris Takhar gabagabadi kulanka ayaa waxaa ay go,aan ku gaareen in si hagar la’aan ah loo taareego Musharaxa, ka dib markii ay cadaatay inuu wadanka u baahan yahay hogaan awood u leh badbaadinta shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed..

Dadkii shirkaasi ka qayb galay waxay soo jeediyeen in qofkasta uu bixiyo lagac cadadeedu u dhaxeeeyo $ 500 ilaa $ 5000 oo doolar, lacagtaas oo loogu tabarucay musharaxa hadafkiisa ugu horeeyay in wax laga qabto abaaraha dalka ku baahay.

waxaa kaloo ay ugu booriyeen walalaha kale ee wanaaga iyo horumarka konfur galbeed jecel inay ka qayb qaataan sidii lagu garab istaagi lahaa Prof. IdrisTakhar wexeyna lasoo xiriiri karaan Mudane Dr. Abdulkadir Sheikh Dhalib, Drs Aisha Abukar Kassim iyo Drs Sahra Mohamed Nur. ama hagu hagaajiyaan Dahabshiil Baydhabo Acc# 10783. Khadra Mohamed Telefoon: 25261- 5578360.

Waxaan walaalaha Soomaaliyeed ee jecel badbaadinta madaxbanaanidda dalkeena ka codsanayaa inay nala taageeraan Mudane Idris Takhtar oo aan aaminsanahay inuu wax wayn ka badali karo xaalada dalkeena iyo talinta sharciga.