JACEELKII ASAD IYO BOQORADA (Qeybta 5-aad)

0
166

Asad oo eey murugo aad xanuun badani wa muuqato wejigiisa ayaa sheekada uu halkeedii kasii waday waxaa ii habooneed sharaf ahaan iyo ragnimo ahaanba inaan maalintaa dhinto anigoo difaacaayo gabdheheena sida aabe iyo hooyo iyo walaalaheeyga qiimaha badnaa balse ma dhicin waxaan ahay qof shalaay ku nool iyo qoomamo.

ilaalinta sumcada iyo sharafta gabdheheena waxaa naftooda qaaliga aheeyd ku waayey Aabe , Hooyo Macaan, laba wiil oo iyo gabar, waxaa ku dhaawacmay aniga iyo gabar kale.

Waxaa Mooryaantii ka dhimatay 3 iyaga kamid aheyd waayo qoryihii ayaan isla qabsanay waxeey isu bedeshay dagaal qoryo leeysla heeystay, 4 tii kale waa eey carareen kadib waxaa noo yimid cido deriska ahaa dhaawac intii aheeyd iyo intii fayoobeyd waa nalaga kaxeeyey gurigii isla habeenkii iyadoo dhulku uu ahaa mugdi siyaado ah baqdin darana eey jirtay maadaana aan meel nabad kajirto aheeyn. hadana waxaa u dhabar adeegay oo gaari dameer nagu soo qaaday nin aan ilaawi karin naxariisti jano alle ha siiyee ahaa deris aad u wanaagsanaa, isaga iyo wiil uu dhalay ayaa nasoo waday aniga iyo gabadhii kale ee dhaawaca aheeyd, waxaan hoowd kusoo jirnaba waxaa nala keenay xaramkii Sheik Cashar Wanle.wuxuuna nagu yiri subaxdii in uu gaari noo keeni doono oo xamar nageeya.

Aan uga gudbo halkaas sheekadii murugada laheeyd ayuu yiri Asad. wuxuu kala furay buugii wuxuu bilaabay inuu hadba baal u rogo hadana wuu isku laabay wuxuu eegay wafdigii wuxuu yiri Mr. Scheidiger waxaan bilaabayaa sababta labaad ee isoo dejisay hoowdkaan aan cid bani`aadan ah ku nooleyn aniga mooye, markii aan bogsoonay aniga iyo walaasheeydi waxaan go`aansanay inaan wadanka isaga tagno maadaama uusan aheeyn wadan nabadgelyo,

Wadanka soomaaliya ee quruxda badnaa wuxuu isu bedelay wadan dhinac walba ka burburay wadan colaadeed wadan abaaruhu isdabajoog noqdeen wuxuu noqday wadan caro ilaah ku dhacday, dadka joogana waxaa gebi ahaan asiibay cuduro fara badan oo ilaa hada loo waayey daawo, sanadka markuu ahaa 1993 waxaan kasoo baqoolnay magaalada muqdisho waxaan dhakada kasoo raacnay gaari kuwa waaweyn ahaa ee xamuulka kuna sii socday Buulo Xaawo oo ah xadka beeneedka lagu kala qeeybiyey soomaaliya iyo kenya, wuxuu safarkeena u jeedkiisu ahaa Koonfur Afrika, waxaan soo soconaba hadba dhib iyo rafaad safar marnaba waxaan soo gaarnay halkii ujeedka socodkeenu ahaa ee Koonfur Afrika magaalada Johannesburg,

Wadan aadan aqoon dad eeydaan aqoon ehel iyo xigaal meel aan cidi kuu joogin ka baadigoob nolol iyo amaan dhibku ma aha mid aan ka sheekeen karo, balse waan ka gudubnay intaas oo idil, waxaa misna meesha ka maqneeyn dil joogto ah oo dadka Madoowga South Afrikaanka ah eey u geeysanayaan dadka madoowga kale ah ee aan wadanka u dhalan iyagoo waxyaabo aan jirin qiil ka dhiganaayey, alxamdulilaah waan ku nooleyn sideey ahaataba, waxaan joognay aniga iyo walaalaheeyga mudo labo sano ah.

1995 dhexdeedi ayaan kasoo safarnay aniga iyo labadeeydii walaalo waxaan soo gaartay wadan ka mid ah wadamada reer yurub midkaas oo ah ITALY waxaan imaanay wadan cusub jawi cusub.

Italy wuxuu ahaa wadan aan shaqo laheeyn waxaan usoo gudbay wadanka Germany sanadka Markuu ahaa 1997 bishii March waxaan iska dhiibay magaalo layiraahdo Wiesbaden oo u dhow magaalada Frankfurt, waxaa leey siiyey waraaqdii ogolaashaha qaxootinimada waxaa la i dejiyey guri waxaa la ii bilaabay lacag masaariif ah waxaan guda galay barashadii luqada Germany waxaan noqday qof noloshiisa inuu si wanaagsan u dhiso u soo jeestay waxaan bilaabay shaqo, waxaan isku waday shaqo iyo waxbarasho, waxaa dhacday sanadka markuu ahaa 2000 dii kun habeen sabti ah in telefoon ii soo dhacay wuxuu ahaa nin aan isku baranay magaalada Wiesbaden kadibna noqonay saaxiibo aad isugu dhow wuxuu iga codsaday inaan berito oo Axada ah aan gurigiisa ku wada qadeeyno si aan isaga sheekeeysano waan ka ogolaaday,

Maalintii axada aheeyd salaadi Duhur kadib ayaan imid gurigii Sxb keey Bile, salaan guud kadib ayaa Dumaashideey Caasha igu tiri Hassan waxaan ku barayaa maanta Gabar reer Baydhabo ah oo nooga timid wadanka Canada, waxaa loo yeeray gabadhii waxaa leeysku keen baray inaan iskala soo jeedno hal Magaalo,Deynaba ma tilmaami karo runtii heeybada iyo quruxda ilaah ku maneeystay waxeey laheed weji soo jiidasho aad u qurux badan, indhii mar arkaa eeysan jecleeysaneeynin ineey kasii jeestaan, maalintii meesha ayaa lagu wada qadeeyey kaftan iyo sheeko badan ayaa leeys dhaafsaday xili danbe ayaan kasoo tegey gurigii,

Talaadadii xigtay waxaa isoo wacay Bile oo iga codsaday in hadii aan firaaqo leeyahay aan raaco subaxa Khamiista Deynaba oo rabtay Hospital-ka runtii waxaan lahaa Shaqo balse waan ka ogolaaday, Subaxii Khamiista waxaan wacay Shaqadii una sheegay inaan imaan karin oo aan leeyahay balan muhiim ah, waxaan soo aaday Gurigii bile si aan Gabadha balanta laheeyd aan u geeyo dhakhtarka.

Deynaba oo diyaar ah ayaan tegey, waan soo baxnay si aan u aadno balantii eey dhakhtarka la laheeyd…………….

La soco Qeybta 6-aad maalinta Sabtida ah insha allaah
Qore iithow