JACEELKI ASAD IYO BOQORADA (Qeybta 4aad)

0
132

waxaa lagu wada fadhiyaa kebdihii quruxda badnaa ee cusbaa waxaa la hoos fadhiyaa geed weeyn oo qurac ah lahaana hoos aad u qaboow, wafdiga intooda kale waxeey aad u wada sugaayaan su`aalaha iyo jawaabaha Scheidiger iyo Asad,

Scheidiger ayaa wuxuu ku bilaabay su`aashiisi hore wuxuu yiri Asad waxaan jeclaan lahaa inaad iiga sheekeeyso halkaad ku dhalatay iyo meesha aad ku soo bar baartay iyo hadaad waxbaratay heerka aad ka gaartay waxbarashadaada?

Asad: waxaan ku dhashay magaalada Baydhabo waxaan wax ku bartay isla magaalada baydhabo, ilaa High School waxaan ku qaatay magaalada Baydhabo.

Scheidiger: waxbarashadaada ma ilaa heer High School ayaad ku hakisay? maya waxaan dhigtay laba sano kale oo maamulka iyo xisaabaadka ah, Scheidiger mahadsanid Asad labada sano ee aad maamulka iyo xisaabaadka soo dhigatay ma Baydhabo ayaad ka dhigatay mise meel kale?

Asad: maya waxaan ku soo bartay Magaalada Muqdisho, Scheidiger: maadaama aad tahay ruux wax soo bartay ku dhashay magaalo kuna soo barbaaray magaalo weeyn maxaad ku dooratay noloshaan dhibka badan? oo misna maxaa keligaa ku dejiyey meel aan dadba degeneeyn maxaase misna kaa dhigay Geel jire?

Asad: meeshan waa meeshii markii aan High Schoolka dhameeyey aan ku qaatay tababar Meleteri mudo 6 (lix) bilood ah sanadku markuu ahaa 1984-1985 tii waxeey aheeyd meel hoowd ah oo aad u qurux badneeyd waxeey laheeyd dur duro biyo mareeno aad u qurux badnaa waxaa ku yaalay geedo aad u dhaadheer waxeey aheeyd keeyn jiq ah, waxaa aad ugu noolaa daayeero fara badan iyo ugaadh fara badan sida Eelada, Dardiirta , Sagaarada waxaa kaloo ku noolaa Dameer faroowga oo Soomaaliya inteeda kale aan laga helin, waxeey aheeyd meel aan aad u jecleestay sababta aan u degeyna mid waa tan.

mida xigta waxaan ka qoray Buug aan ugu magac daray (JACEELKII ASAD IYO BOQORADA) waana sababta ugu muhiimsan ee aan maanta keli inaan halkan ugu noolaado aan u jecleestay.

Scheidiger: hada buugii ma heeysaa mise waad faafisay ood suuq geeysay? Asad: maya waan hayaa oo uguma talo gelin inaan iibiyo, Scheidiger: why aad u iibin weeysay amaba aad u faafin weeysay? Weli ma aanan qaadanin go`aan ah inaan iibiyo ama aan faafiyo.

Scheidiger: ma arki karnaa buuga? Asad: haa waad arki kartaan balse wuxuu ku qoranyahay Afka Soomaaliga, Scheidiger: dhib malahan hadii aad naga ogolaato adiga ayaa noo turjumi doona, Asad wuu istaagay wuxuu galay aqalkii yaraa ee uu ku noolaa wuxuu kasoo saaray Buug duug ah oo boor badan dul saarnaa, Asad buugii ayuu boorka ka jafay wuxuuna u dhiibay Scheidiger.

buugii ayeey wafdigii isu dhiibayeen mid mid, kadib waxaa lagu soo celiyey gacantii Asad. Scheidiger ayaa yiri Asad waxaan rabaa inaan ku weeydiiyo su`aal hadii eey dhib kugu tahay jawaabteedana waad ii sheegi kartaa oo waan ka gudbeeynaa hadii kalena inaad ii sharaxdo ayaan jeclaan lahaa? Asad: waad i weeydiin kartaa.

Scheidiger: waalidkaaga iyo walaalahaaga arintooda maad iiga sheekeeyn kartaa arinkooda? Asad: ma jecleeyn inaan ka sheekeeyo balse waan idiin sheegayaa maanta, Asad wuxuu ka sheekeeyey qisadan aadka u xanuun badan wuxuu ku bilaabay hadalkiisa waxaan ku dhashay magaalada baydhabo kuna qaatay nolosheeyda barkeeda qooyskeena wuxuu ka koobnaa 5 wiil iyo 3 gabdhood Aabe iyo Hooyo, waxaan ahaa midka dhexe labana waa eey iga weeynaayen labana waa eey iga yaraayeen, gabdhahana 3 dooduba weey iga yaraayeen waxaan ku wada nooleeyn nolol aad u farax badan iyadoo noloshu eey sidaa tahay ayaa waxaa wadanka ka dhacay dagaal lagu ridayey Dowladii Dhexe ee uu madaxweeynaha ka ahaa Jen. Mohamed Siyaad Barre.

waxaana riday maleeshiyaad aan isu soo dhisin hab doowli ah oo la wareegi karay maamulka dalka si dhab ahaana u bedeli karay maamulkii la riday, si kastaba ha ahaate waxaa wadankii wada saameeyey dagaal sokeeye wuxuu wadankii u bur buray laga soo bilaabo qaranimadii qowmiyadii ilaa qooyskii, waxaa loo kala baxay qabiil qabiil iyo in qabiil walba uu ku duulo kii kale ee uu isleeyahay markaa waad ka hub badantahay kana awood roontahay,

hadaba 1992 baydhabo waxaa ku soo duulay oo qabsaday maleeshiyo Beeleed waxeey ku fideen ilaa gobolka Baay waxa eey u geesteen wax aan ruux bani`aadan ah maskaxdiisa ogolaan karin hadii looga sheekeeyo,tani waxey ka mid tahay dhibka dhaca hadii wadan uu burburo.

balse aan u soo laabto tii familkeeyga iyo aniga waxey aheeyd maalin arbaco goor magrib ah waxaan wada joognay gurigeena waxaa si xoog ah albaabka weeyn ee guriga laga soo galo u soo jebiyey koox aan tiradooda ku qiyaasay ilaa 7(todobo ) ruux oo ku hubeesnaa Qoryaha fudud ee noocyadooda kala duwan waxeey rasaas u fureen si arxan la`aan ah iyagoo cirka u ridayey si eey noo baqdin geliyaan, waxeey nasoo dhoobeen barxad weeyn ee uu gurigeena lahaa, 3 (sadex) ayaga kamid ah waxeey nagu hayeen qoryaha 4-tii kalena qolalkii ayeey ku yaaceen si ey u soo baartaan, kadib waxeey soo qaadan karaan ayeey soo qaatee.

Qolyihii nagu heeystay xooga waxa eey damceen iney ku kacaan fal aan Diin waliba oo dunida ka jirta aan ogoleeyn iyo xitaa bani`aadinimada waxey isku dayeen ineey istaajiyaan gabdheheenii laba kamid ah isla markii waxaan ogaanay in ujeedkoodu yahay ineey kufsadaan waxaa isla markiiba istaagey aabaheey oo yiri maya maya anigoo nool maya wuxuu usoo dhaqaaqay dhankii kuwii gabdhaha garabka ka hayey isla mar ahaantii mid kamid ah kuwii kale ayaa aabaheey ku furay xabad aabe waxaa ku dhacday dhoor xabadood hooyana iyadoo qeylineeysa ayeey dhankii aabe usoo carartay iyadana xabado aan loo meeldayin ayaa si arxan la`aan ah loogu furay kuna dul dhacday aabe Asad oo murugo xanuun badani ka muuqato ayaa sii waday sheekada.

la soco Qeybta 5-aad maalinta khamiista ah.

Qore iithow.