Xukuumada Federaalka oo Sheegtey Iney Baaritaano Ku Bilowdey Xolihii Laga Soo Celiyey sacuudiga

0
303

Dowladda federaalka Somalia ayaa sheegtay, in ay baaritaanno ku billowday Xoolihii dhawaan laga soo celiyay Dalka Sacuudiga, kaddib Markii Dalka Sacuudiga sheegtay inay si KMG ah hakad u gelisay Xoolaha uga yimaada Soomaaliya.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somalia, Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in baaritaanno ay ku ogaanayaan Cudurrada laga helay Xoolaha laga dhoofiyo Somalia ay ku bilaabeen Xoolahii laga soo celiyay Sacuudiga.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Arrintaas ay guddi u xilsaareen si loo baaro xoolaha, isagoo hadalkiisa ku daray in Natiijada Baaritaannadan kasoo baxa ay la Wadaagi doonaan Warbaahinta.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa doonaysa in Dalka Sacuudiga uu mar kale dib u dhoofsado Xoolaha Somalia oo dhaqaalo badan ay ka helaan xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.