Dowlada Imaaraadka Carabta oo Saldhig Milateri ka Dhisan Doona Magalada Berbera

0
296

Soomaaliland ayaa oggaalatay saldhig milatari oo dowladda Imaaraadka Carabta ka hirgaliso magaalada muhiimka ah ee Berbera,sida uu sheegay wasiirka duuliska hawada Soomaaliland.

Qorshahan ayaa ku soo aaday xilli magaalada Berbera ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo caalami ah oo maalgashi, kuwaas oo diiradda lagu saarayay dekedda iyo garoonka diyaaradaha.

Cabdirixmaan Xuseen Cadami oo horay uga tirsanaa xukumaadihii Soomaaliland ayaa sheegay qorshaha dowladda Imaaraadka Carabta inuu colaad galin karo Soomaaliland,isagoo marka leh Imaaraadka Carabta saldhigga cid buu u sameysanaya.

Xukuumadda Soomaaliland ayaa laakin dhankeeda ku sheegaysa heshiisyada inay qayb ka tahay qorshaha ay ku dooneyso inay si dhow ula saaxibto waddamada gobolka,sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland,Sacad Cali Shire.

Wasiirka arrimaha dibadda,waxaa kalo uu sheegay inaysan Imaaraadka Carabta marna ka aqbali doonin inay ka dagaallanto badaha Soomaaliland,maaddama hadda ay hirgalinayso saldhig ciidan.

Heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliland ay la-galayso waddamada caalamka waxaa horay uga soo horjeesatay dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya,laakin Soomaaliland ayaa ku an-dacoonaysa inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya.