Ciidamo Hubeysan oo La Wareegey Xaruntii uu Ka Socdey Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe

0
189

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe, ayaa sheegaya in Ciidammo hubeysan oo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya la wareegeen xaruntii shirka dhismaha maamulka Hir-shabeelle.

Musharaxa madaxweyne ku-xigeenka Cali Xassan Taakoow oo Hoggaaminaya ciidamadan la wareegay Xarunta Shirka, ayaa warbaahinta u sheegay inuu jiro musuq-maasuq baahsan oo ka soconaya siduu hadalka u dhigay xarunta shirka, isagoo eedeyn ballaaran u jeediyay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka oo sidda uu sheegay fara-galin ku haya doorashada kuraasta sare maamul gobolleedka Hir-shabeelle.

Shalay ayay Xildhibaannada Maamulka Hir-shabeelle doorteen Guddoomiye Baarlamaan, labadiisa ku-xigeen, waxaana doorashadaa laftirkeeda ka taagan dood adag.

Dhanka kale, Illaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe iyo Hay’adaha Ammanka ku shaqada leh sugida ammniga shirka.

Ugu dambeyn, La wareegista Xaruntii Shirka dhismaha Maamul-goboleedka Hir-shabeelle ayaa imaneysa xili maalinta berri ah loo ballansanaa in halkaas lagu doorto Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle iyo ku-xigeenkiisa.