Cabdirisaaq macalin cilmi oo ah agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqalaha dowlada federaalka ee somaliya waaxdeeda shaqo abuurista ayaa waxaa uu wareysi uu siiyey voa agost 3deedii waxaa uu ku sheegey in dowlada federaalka oo kaashaneysa ILO heyada shaqada aduunka iney ka horgeliyeen 5 gobol oo ka mid ah somaliya mashriic shaqo abuuris ah kaasi oo sida uu sheegey magalada baydhabo keligeed ay ka faaiideysteen mashruucaa 450 qof halka uu agaasimaha sheegeyna iney ka dhiseen wado laami ah oo gaarey 3 km gudaha magalada baydhabo.
Halkan Hoose Ka dhegeyso wareysigii uu siiyey idaacada voa.
V O A Wareysi Voa Agasime Cabdi Risaaq
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
Daafeed.com oo kaashaneysa wariyeyaasheeda ku sugan gudaha dalka somaliya iyo dad xogogaal ah oo ku sugan magalada baydhabo ayaa u kuur galey warka uu sheegey agaasimaha oo runtii ay aad ula yaabeen dadka ku nool magalada baydhabo si aan usoo bandhigno runta ka jirta magalada baydhaba iyo sheegashada agaasimaha waxaan la xiriirney mid ka mid ah waxgaradka magalada baydhabo.
Halkan hoose ka dhegeyso.
Wereysi Ka Hadlaya Xaqiiqda Dhabta
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
Wereysi Ka Hadlaya Xaqiiqda Dhabta Mobil
Talaabadan been abuurka ah ee Cabdirisaaq Macalin Cilmi agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaala uu ka baahiyay idaacada voa ayaan aheyn beentii ugu horey ama tii ugu dambeysey ee lagu dhacayo ama lagu masuqmaasuqayo kaalmooyinka loogu tala galey iney ka faaiideystaan dadka ku nool gobolka baay.
Daafeet.com wexey idiin balan qaadeysaa in sidan iyo si la mid ah ay daba gal ku sameyn doonto dhamaan hey’adaha sida been abuurka ah lacagaha uga qaato hey’adaha iyo wada kaalmeeya guud ahaan umada somaliyeed gaar ahaan gobolada koonfur galbeed.
