Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha dhaqanka beelweynta geledi tolwiine iyo yabdhaale, Aqoonyahanada iyo weliba waxgadka ayaa maanta waxaa lagu qabtey degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose kulankaas oo looga hadlayey fariin loo direy suldaanka guud ee beesha geledi suldaan axmed taariikhdu markey aheyd 21/6/2016 in uu ku yimaado degmada afgooye si looga wada hadlo mustaqbalka shacabka degmada afgooye.
Suldaanka ayaa dhag jalaq u siin fariinta ay soo direen odey dhaqameedyada iyo waxgaradka deegaanka isagoo aan weliba wax cudur daar ah ka bixin sababta uu uga soo jawaabi waayey fariinta ay soo direen odayaasha.
Gabagabadii kulanka ayaa odayaasha waxaa ay warbaahinta u sheegeen in suldaan Cusmaan Axmed ay kalsoonida kala laabteen isla markaana uusan matalin beel weynta geledi wixii ka dambeeya maanta oo ay taariikhdu tahay 4 bisha ogost 2016.