Daawo Sida Looga Ciidey Maalintii Shaley Magalada Atlanta Georgia ee Dalka Mareykanka

0
155

Xarunta Action Sports Academy ee ku taala wadada weyn ee momorial drive ayaa waxaa shalay Subaxnimadii soo buux-dhaafiyay kumannaan Muslimiin ah oo u badan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Atlanta, si ay ugu Tukudaan Salaada Ciidda, iyadoo goobtaaan uu Diyaariyay Masjid Al Suna ee Magalada Atlanta.

Iyadoo uu ahaa jawigu mid aad u qurux badan dadkii salaada tukanayayna ay raxan-raxan u soo galaayeen goobtaa iyagoo ay xirnaayeen Dhar wada-quruxoon.

Imaamka masaajidka Al Suna Sheekh Nuux Imaan ayaa dadkii halkaas isugu yimid u jeediyay khudbad ku adanayd Ciiddul Fadriga saladii kaddib waxuuna yiri. “ Maanta waa maalin loo naxariisto masaakiinta iyo foqorada. Wax ku filan siiya ayaga iyo caruurtiina iyo reerihiina oo dhan si ay farxada noola qaybsadaan.”

Gaba-gabadii Khudbadiisa ayuu Sheekhu ku yiri.  Sidaad ilaahey u caabudaysay u sii Caabud. Waliba Ruuxii Ramadaan Sooma, isla markaana ku dara lixda maalin ee bisha Shawaal, Wuxuu la mid yahay Ruux Sannadka dhan Soomay.”

Maamulaha Masaajid Al Sunna, Sheekh Nuux, ayaa uga Mahad-celiyay dadkii kasoo qayb-galay tukashada Salaadda Ciidda ee maanta, isgaoo xusay in sidani ay tahay sida lagu yaqaan dhaqanka dadka Islaamka ah.

Magaalada Atlanta, Waxaa shalay sidoo kale lagu Tukaday salaada Ciidda goobo kale oo Waa-wayn oo ay noo suurobi waysay in aan tagno sida Masjid Al Muminuun iyo Masjid Faaruukh.

[slideshow_deploy id=’26568′]