Madaxweynaha dalka Uganda, Yuweri Museveni, ayaa sheegay in hannaan-xumo haysata istiraatijiyada howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay sabab u tahay inay go’aansadaan inay ku dhawaaqaan inay ciidamadooda kala baxayaan Somalia dhammaadka sannadka soo socda ee 2017-ka.
Balse Museveni wuxuu sheegay in ciidamadiisu ay sii joogi doonaan Somalia haddii wax laga bedelo qorshe-xumada Hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay ka mid yihiin dib u dhisid la’aanta Ciidamada Soomaaliya.
Hadalkaan ayuu Museveni ka sheegay kulan looga hadlayay ammaanka gobolka oo shalay ka dhacay magaalada Kampala, kaasoo uu goobjoog ka ahaa, RW Israa’iil oo booqanaya waddanka Uganda.
Museveni ayaa mar kale yiri. “Muddo sagaal sano ah ayaanu joognaa Somalia, mana jiraan ciidammo la sameeyay, Sidaasna waxba kuma sii wadi karno, Sidaa awgeedna Soomaaliya weli nabad lagama dhigin, Al-shabaabna weli way jiraan, inkastoo laga adkaaday.”
Madaxweynaha Uganda ayaa wuxuu mar kale yiri. “Innagu waxaan taageeri doonaa mar walba in la xasiliyo Somalia, waana sababtii aan u tagnay markii hore, balse ma doonayno inaan dhibaatada ka jirta Somalia qayb ka noqono, intii aanu xalka qayb ka noqon lahayn.”
