Xukuumadda Kenya, ayaa si Rasmi u billowday shalay inay Dalkooda dib ugu celiso Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee Gobalka Waqooyi-Bari dalka Kenya.
Qaxooti tiradoodu ahayd; 180 Ruux oo ah kuwii ugu Horreeyay ayay Xukuumadda Kenya Gaadiid ku daabushay, Waxayna geysay Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, si looga sii gudiyo meelihii ay markii hore ka yimaadeen.
Hay’adda UNHCR, ayaa la sheegay in Qoxootiga lasoo gaarsiiyay deegaanka Dhoobley ay u diyaarisay Gaadiid Halkaasi kasii qaada, Waxaana taallabadan ay kusoo beegmaysaa xilli Xukuumadda Kenya ay shaacisay in Bisha November ee Sanadkan 2016-ka, ay Albabada u laabayso xeryahan.
Xiriiriyaha Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamuud Saalax oo la hadlay Warbaahinta ayaa u Sheegay in markii ugu Horreysay ay Xukuumadda Kenya Billowday in ay Qaxooti Soomaaliyeed dib ugu celiso dalkooda.
