Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Kenya Ugu Baaqey INey Ilaaliso Heshiskii Seddex Geesoodka

0
88
U.N. Secretary-General Ban Ki-moon gestures during a press conference at the United Nations headquarters in Geneva, Switzerland Friday, Dec. 12, 2008. Ban says the latest "very sobering" assessment of the World Bank underscores the world's economic problems. The world should act with great urgency and compassion to ease economic distress. (AP Photo/Anja Niedringhaus)

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kawada hadlay Xiritaanka Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya, iyadoo Ban Ki-moon uu ku boorriyay Xukuumadda Kenya inay xurmeyso heshiiskii sadex-geesoodka ahaa ee dib u celinta qoxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab.

Kulanka BanKi-Moon iyo Uhuru Kenyatta oo shalay ka dhacay Magaalada Brussels ee xarunta Dalka Belgium, ayaa Waxay QM ku ammaantay Kenya muddaddii dhereyd ee ay Qoxootiga Soomaaliyeed ku haysay Xeryaha Dhadhaab.

Sidoo kale, Ban Ki-Moon ayaa ku baaqay in Qoxootiga Soomaaliya ee Dib loogu celinayo Dalkooda ay noqdaan kuwo iskood u doortay, Balse aanay dhicin in Ruux aan doonayn in la celiyo lagu qasbo in lagu celiyo.

Sidoo kale, Ki-Moon ayaa balan-qaaday in QM ay sii wadeyso kaalmada bani’aadanimo, kuwa hurumarineed iyo tan Amaan ee ay la garab-taagan tahay Xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya.