Madaxaweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Booqasho Ku Tegey Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab

0
170

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhaweyd gaaray xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee kuyaala dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku qaabilay wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xassan, wasiirka arimaha gudaha ee Kenya Joseph Nkaissery, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo.

Madaxweynaha ayaa ka bilaabay booqashadiisa xerada IFO 2 oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab halkaas oo uu kula kulmay madaxda qaxootiga xeryaha Dhadhaab.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu sidoo kale booqday Hillaac Primary School halkaas oo arday badan ay kusoo dhaweeyeen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday isbitaal ka mid ah isbitaalada ugu waaweyn xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Madaxweynaha ayaa halkaas khudbad ka jeediyay. Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa arimo badan oo khuseeya qaxootiga uga hadlay khudbadiisa. ‘Qaxootiga si arxan darro ah meel laisagama tuuri doono balse hadii la celinaayo si nidaamsan ayaa loo celin doonaa’ Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidaa yiri.

Booqashada Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo ah tiisii ugu horeysay ee uu kutago xeryaha Dhadhaab ayaa kusoo aadeysa ayadoo dhawaan Kenya ay sheegtay in kama dambeys ay xiri doonto xeryahaasi Dhadhaab dabayaaqada sanadkaan.