Malaaqa guud ee beesha Geedfade oo looga dhawaaqay magaalada Baydhaba

0
126

Golaha Wadatashiga iyo Horumarinta Geedfade ayaa maalintii talaadada ee 25/05/2016 magaalada Baydhaba uga dhawaaqay malaaqa guud ee beesha Geedfade Mudane Cabdirashiid Xasan Cali (Shaar Shaar)

taas oo soo dhamaystirtay dhismihii qeybaha kala geddisan ee golaha.

Golaha waxa uu aqoonsaday odayaaasha dhaqanka ,nabadoonada malaaqyada heer degmo iyo gobol ee horay u magacawnaa iyo xildhibaandii horay u shaqaynaaayey waxaase ay soo bandhigeen fikrad cusub oo ah in loo baahan yahay horumarin iyo isbeddel muuqda oo laga sameeyo dhinacyada dhaqanka, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada iyada oo loo marayaao habka wadatashiga.

Golahaan wuxu kaloo soo bandhigay qaabka shaqo ee xuquuq iyo waajibaad, Qaabka matalaada shaqsiyadeed iyo Xuquuqda Qaanuuneed ee uu leeyahay Golaha.

Waxaana munaasabadaas ka hadlay masuuliyiintii isugu jira Xildhibaano Heer Dowlad Goboleed, Waxgarad heer Sare, dhalinyaro, Culuma’udiin iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Degaanka ee ka soo qeyb galay Kulankaan iyadoo u riyaaqay fikirka kana marqaati kacay ku dhawaaqidda Malaaqa Guud ee Beesha Geedfade Mudane Cabdirashiid Xasan Cali (Shaar Shaar)

Gebagebadii waxaa loo rajeeyey Golaha iyo Malaaqa Guudba inuu ku shaqeeyo Wadatashi guud, Horumarka iyo Alle ka Cabsi waxaana beelaha kale ee Degaankana wuxuu ugu baaqay ku dayasho Golahaan iyo Golayaasha u dhigma ee beesha Geedfade soo bandhigtay maanta.

gadf3

gadf2

gadf1

gadf