Gudoomiyaha gudiga dhismaha cisbitaalka deegaanka Aw Cusmaan ee degmada wanleweyn Sheekh Siidow Abuukar Kalbaaw oo maanta warbaahinta la hadley ayaa u mahad celiyey ururka aqoonyahanada degmada wanleweyn oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan WENA oo xaruntoodu tahay magalada muqdisho.
Ururukan ayaa kulan ay maalin dhaweyd ku yeesheen magalada muqdisho waxaa ay iska soo ururiyeen dhaqaale ay ugu tabaracayeen dhismaha xarunta haweenka iyo dhalaanka ee deegaanka Aw Cusmaan ayagoo dhaqaalahaas ku wareejiyey Gudoomiyaha gudiga dhismaha cisbitaalka.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu u mahad celiyey dhamaan intii gacanta ka geysatey barnaamijkaan iyo intii ka qeyb qaadatey wuxuuna ugu baaqey umada somaliyeed in ay ka qeyb qaataan howshan baaxada weyn oo ay hooyooyin badan oo maanta heysan meel ay ku dhalaan ka faaiideysan doona haduu alla idmo.
Hadalkii gudoomiyaha waakan ee nala dhegeysta.
Gudomiyaha Gudiga Dhismaha Istibaalka Aw cusmaan
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
Gudomiyaha Gudiga Dhismaha Istibaalka Aw cusmaan Mobil
