Taliska AMISOM, ayaa ku sheegay War-bixin ay soo saareen maanta inay lix sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab ku dileen hawl-galo ay dhawr-kii casho ee lasoo dhaafay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose.
Hawlgallada aan ku dilnay saraakiisha Al-shabaab muddo toddobaad gudhiis ah waxay tani ka dhigaysaa toddoba sarkaal, kaddib markii Axaddii lasoo dhaafay aan hawl-gal ku dilnay bay yiraahdeen AMISOM sarkaal ka tisran Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray, C/rashiid Bug-dube.
AMISOM ayaa waxay sidoo kale warbixinteeda ku sheegtay in lixda xubnood ee ay hawl-galladii u dambeeyay ku dileen lagu kala magacaabi jiray, Aadan Buulle oo ah taliyihii Al-shabaab ee deegaanka Leego, Sh. Maxamed Cali, ku xigeenkii taliyihii Janaale, Xasan Cali Doll, Taliyihii Amniyaadka Shabeellada Hoose, Abuu-Islam oo ah Yemeni u Sameyn jiray Al-shabaab miinooyinka dhulka lagu aaso iyo Sheekh Mansuur oo u dhashay dalka Kenya, isla markaana ahaa madaxa labaad ee tababarrada Al-shabaab.
Alshabab ayaa dhankeeda weli ka hadlin dhibaatooyinkii kasoo gaarey dagaalada ka dhacay deegaanka janaale iyo dhibaatooyinkii ay geysten.
