Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), ayaa sheegay in Falalka Amaan-darada ah ee ka dhaca magalada Muqdisho aanay ahayn cida fulinaysa Al-shabaab oo keliya, laakiin ay jiraan dad kale oo si xun wax ku raadinaya.
Jen. Cali Gaab, ayaa sidoo kale Xusay in Duqeymaha mararka qaarkood lala soo beegsado Goobo ka tirsan Muqdisho aysan ahayn kuwo ay soo ridaan Al-shabaab oo keliya, balse ay jiraan dad kale oo ku lug leh, kuwaasoo aanu carrabaabin.
Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dhawr jeer weerarro noocan oo kale ah laga hor-tagay, meelihii ugu dambeeyay ee madaafiicdaan laga soo tuuray ay ahaayeen goobo la deggenaa, xitaa waxaa jira kuwo laga soo tuuray dhisme fooq ah oo ay korkiisa degenaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Somalia ayaa dhawaan sheegtay in hoobiyeyaashii dhawaan lagu soo tuuray Madaxtooyada Somalia iyo xaafadaha u dhow-dhow loo qabtay tiro dad ah & Gaadiid looga shakisan yahay in laga madaafiicdan laga soo dhex-tuuray.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
Nabadgilyo xumida Xamar ka jirta waxa ka masuul ah wa la wad ogyahay. Cidna hada shaki kagama jiro qabiilka aan dan uga jirin nabada, dawladnimada, dhoowrida sharigaca, cadaalada kala danbeente, is xaq dhoorka. Wa ka wada dharagsanhay qabiilka umada ka harsan la’yihiin kana hooyin waayeen.
Ku dhaqanka inta aan soo sheegay waxey fareeysa hadaanan la fuliniin nabad ma imaaneyso: KOOW WA …..
• In laga wada baxo: guriyaha Islaameed eey HG xooga ku haysatao eyna dagantahay.
• In laga wada baxo: hantida qaranka leeyahay ee umada oo dhan ka dhaxeeyso eey xooga lagu heeysato sida: wasaaradaha, wakaaladaha, iskooladka, isbitaalada iyo xata Masaajidyada.
• In laga wada baxo oo laga guuro beeraha Islaameed ee xooga lagu haysato.
• In laga wada baxo oo laga guuro meela ee xooga ku dhisteen sida jidadka, jirdinooyinka iyo meelaha kale oo loogu tala galay danta guud ee shacabka.
Comments are closed.