Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Qalabka sida ee Somalia ayaa maanta dil Toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsan Al-shabaab, kaasoo mudd sannad ka badan ku xirnaa xabsi ay Hay’adda Sirdoonka Somalia ku leedahay Magaalada Muqdisho.
Dhageysiga dacwaddii loo haystay Xasan Xanafi oo ay ka mid ahaayeen; inuu mas’uul ka ahaa dilal Muqdisho loogu geystay wariyeyaal, ayaa waxay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo guddoomiyaha maxkamadda uu sheegay inay xukunkan rideen kaddib markii ay arkeen caddeymo maxkamadda la horkeenay, ayna hor-yimaadeen maxkamadda markhaatiyaal ku marag-furay.
Sidoo kale, Col. Shuute ayaa xusay in Xasan Xanafi ay ku Caddaatay in uu ka dambeeyay Toogashada Wariyeyaal kala ah; Mahad Axmed Cilmi, Mukhtaar Maxamed Hiraabe, Cali Iimaan Sharma’arke, Sheekh Nuur Abkeey iyo weliba Siciid Tahaliil Axmed.
Haddaba, Xilliyadii la kala Dilay Wariyeyaashan ayaa Waxay kala ahaayeen Sidaan;
1. Mahad Axmed Cilmi ayaa waxaa la dilay – 11-kii September, 2007-kii
2. Cali Iimaan Sharma’arke ayaa waxaa la dilay 11-kii September, 2007-kii
3. Saciid Tahliil Axmed ayaa waxaa la dilay 04-tii Feberaayo, 2009-kii
4. Mukhtaar Maxamed Hiraabe ayaa waxaa la dilay 08-dii Juun, 2009-kii
5. Sheekh Nuur Abkeey ayaa waxaa la dilay 04-tii May, 2010-kii
Xukunkaan Maxkamadeed ee lagu riday Xasan Xanafi ayaa Wuxuu kusoo beegmayaa Xilli Xasan Xanafi Xaaji uu toddobaadyo ka hor Wareysi siiyay Radio Muqdisho uu ku sheegay inuu mas’uul ka ahaa dilkii wariye Sheekh Nuur Abkeey, balse uusan lug ku lahayn dilalkii loo geystay wariyeyaasha kale.
