
Wararka ka imanaya magalada baydhaba ayaa waxaa ay ku waramayaan in Isbitaalka guud ee magalada Baydhabo iney ka jiraan dhibaatooyin la xiriira wax u qabadka dadkan ku soo waxyeeloobay dayacii hay’adaha amniga ee maamulka shariif xasan ay ku sameeyeen guud ahaan shacabka koonfur galbeed gaar ahaan shacabka reer baydhabo.
Mid ka mid ah dhaawacyadii kasoo tegey isbitaalka magalada baydhaba oo u waramey daafeet.com ayaa waxaa uu sheegey in cisbitaalka guud ee magalada baydhabo aaney ka jirin daawo la,aan iyo dhaqtar la,aan midna balse ay halkaasi ka jirto heyb sooc ay maamulka isbitaalka iyo dhaqaatiirta kula kacayaan dadka dhaawaca ah.
Waxaana uu tusaale usoo qaatey isaga nafsad ahaantiisa maalin ka dib kolkii isagoo dhawac ah isbitaalka yaaley waxna loo qaban waayey sabab la xiriirta beesha uu kasoo jeedo in gurmad ay u sameeyeen beeshiisa haatan kasoo saareen isaga iyo qaar kale isbitaalka guud ee magalda baydhabo lana dhigey isbitaalka Bay Xaaw ee magalada baydhabo kaasi oo sida uu sheegey wax loogu qabtey.
Inta badan dadka kusoo dhaawacmey qaraxyadii is xig xigey ee ka dhacay magalada baydhabo ayaan awoodin dhaqaale ay isaga bixiyaan iney isku daweeyaan isbitaalada sida gaarka loo leeyahay halka cisbitaalkii guud ee umada loogu tala galeyna koox yar oo manaxayaal ah ay dadka shacabka ah ee dhaawacyada soo gaarey daaweyntooda ay si heyb ah ugu kala dooranayaan.
In kabadan 41 ruux ayaa waxay ku geeriyoodeen labo qarax oo maalin-nimadii Axada gelinkeedii danbe ay Xarakada Shabaab la beegsadeen dad Shacab u badnaa oo ku Shaahayey magaayadaha qaraxyadan lala beegsaday.
Kudhowaad 36 ruux oo ka mid ah 41 dii geeriyootay ayaa waxay kasoo jeedeen magaalada Baydhabo halka 5 ruux oo kamid ahaa dadkii geeriyoodayna ay ahaayeen dad howlo u joogay magaalada iyadoo 14 ka mid ah dadkii geeriyoodayna ay isku beel ahaayeen iyadoo sidoo kalena ku dhowaad 75 ruux oo dhaawacyo kala gedisan qabayna ay weli baadi goob ugu jiraan sidii ay daaweyn u heli lahaayeen.

Horta intii dhimatey ilaah ha u naxariisto oo qaraabadoodana samir rabi ha ka siiyo, inta dhaawacantayna rabi ha u yasiro oo caafimaad ha siiyo. Aamiin.
Tan labaad, intii ogaalkeyga ah, labada isbitaal ee Abay Xaawo iyo midka Wreyn ee degmada/gobolka ee horey u jirijireyba waa wax aan bukaanka lacag looga qaadin.
Tan sadexaad, qaanuunka shaqaalaha caafimaadka nooc walba oo ay yihiinba ma qabo in bukaanada sinna loo kala sooco sababta waxay ahaataba.
Qofkii shaqaale caafimaad ah oo dhaartii uu marey si siman u caawinaada bukaan walba oo loo kereno ama uu la kulmo oo hadana bukaanada kala sooca, waa haddii warka la sheegayo run yahay ee, ma aha qof u qalma inuu goob caafimaadba ka shaqeeyo damiirkiisaana ku dhib qaba oo tii allena waa meesheedii.
Comments are closed.