Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali iyo Wufuud uu Horkacayo ayaa Shalay muddo Saacado ah lagu Xayiray Garoonka Diyaaradha Magaalada Nairobi Jomo Kenyatta.
Wafdiga, RW Sharma’arke ayaa kusii jeeday Dalka Turkiga, sida uu sheegaey mid ka mid ah xildhibaannadii wafdigan ka tirsanaa oo xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha Jomo Kneyatta u sheegay idaacadda VOA-da.
Sarkaal Amni oo ka Tirsan Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi oo isagana la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sababta xayiraadda ay ahayd mid ku timid, diyaaradda RW Somalia iyo wafdigiisa wadday oo aan Wajeer soo marin halkaaso oo ay soo maraan dhamaan diyaaradaha ka yimaada dalka somaliya si baaritaano loogu sameeyo.
Sidoo kale, saraakiisha wasaaradda arrimaha Kenya ayaan si toos ha uga hadlin sida ay ula dhaqmeen mas’uuliyiinta dowladda Somalia, iyadoo gaadiidkii loogu talo-galay in ay RW Somalia iyo Wafdigiisa qaadaan ay iyaguna muddo Saacado ah ku Xayirnaayeen Dibadda garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi.
RW Somalia oo ay la socdeen 20-xubnood oo ay ku jireen xildhibaano Somalia iyo saddex wasiir ayaa saakay ka dhoofay Magaalada Nairobi, iyagoo kusii jeeda dalka Turkiga oo ay ku socdeen, kaddib markii Maalin ay Garoonka Nairobi ee Jomo Kenyatta.
Si kastaba arintu ha ahaatee taasi ayaa waxaa ay ku tuseyseysaa damiir darada iyo wadani xumada heysata masuuliyiinta somaaliyeed oo maalin walba hoos fadhiya kooxo bah dil ku samyeea isla markaana diidan in qaranimada dalka somaliya soo laabato.

badii somaliya ninka u sahiihey oo siiyey kenya sow risulwasaarahan ma eheen wahey eheet in ul loogu daro ka dib kis lacag ah la siiyo oo la dhaho isku daweey bah na dhaaf sababta ah nin dhulkiisa iyo badiisa iyo dadkiisa gatey naftiisana waa beec wa mida runta ah aa taas ah in la jir dilo ka dibna kis lacag ah la siiyo ayey ku haboonet ee la dhaho jugta ku gaarsiney bedelkeda wa lacag qaado wsc
Comments are closed.