Shirkii Wadatashiga Hiigsiga 2016 oo Maanta Ka Furmey Magalada Kismaanyo

0
122

kismanyoWaxaa Goor-dhow ka Furmay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, Shirka Wada-tashiga Qaran oo ah mid looga tashanayo qaabka doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka dhammaadkiisa.

Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxmauud iyo dhammaan madaxweynayaash maamul-goboleedyada Somalia, iyagoo hadalladooda ay u badnaayeen kuwo mahad-celin ah.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid Soomaalidu ay isugu timid; ayna uga tashanayaan aayaha dalkooda, wuxuuna ku daray intaas in shirkan uu yahay guul u soo hayatay Soomaaliya.

Ugu dambeyn, furitaanka shirka kaddib ayaa waxaa lagu wadaa inmas’uuliyiinta ka qayb-galaysa ay kulammo gooni-gooni ah ku yeeshaan guriga martida Kismaayo; kulammadaas oo aanay goobjoog ka noqon doonin saxaafadda.