Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaarey Magalada Jowhar

0
125

xasanWafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta gaarey magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Diyaarada siday madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka degay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar,waxaana halkaasi ku sugayay si ay u soo dhaweeyaan mas’uuliyiinta maamulka degmada,kan Gobolka Sh/dhexe iyo Shacab aad u fara badan kuwaasi oo caleemo qoyan ruxayay.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowlada Soomaaliya,waxaana la filayaa saacadaha soo socda in madaxweynaha Jowhar uu ka furo shirka lagu mideynayo Gobolada Hiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Ergo ka socotay Gobolka Hiiraan uu hogaaminayay gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) ayaa kaga horeeyay magaalada Jowhar wafdiga madaxweynaha,waxayna ujeedkooda tahay iney ka qeyb galaan shirka maadaama ay matalayaan Shacabka Gobolka Hiiraan.