Maamulka gobalka Bakool ayaa dhaliilay hanaanka loo qeybsaday xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, sheegayna in qaab cadaalad darro ah loo soo xulay xildhibaanadaasi.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo amniga ee maamulka gobalka Bakool Maxamed Xasan Maxamuud ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay tirada xildhibaanada ka gobal ahaan loo siiyay.
Waxa uu tilmaamay in 29 xildhibaan ay sugayeen, hase ahaatee ay ka war heleen Afar xubnood oo iyaga xitaa uu tilmaamay in Bayadhaba laga soo dhex xulay, matalayana gobalka Bakool.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in wax shaqo ah aysan ku lahayn ka gobal ahaan baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana uu tilmaamay in madaxda dowladda Soomaaliya ay ka gaabiyeen cabasho horay ay arrintaan uga gudbiyeen.

sharifka hadal wahba kama celinaayo nin cishoodana ma ahan wahoow u baahanyahay gacan ka hadal waan ognahay cadaalat ma ahan waha oow sameyey wahaan ognahay hariin iyo hadame in ay dheheen dad aan dhulka degeneen in 3 kursi la siiyo anagana 3 kursi nala siiyo oo dhulka degan cadaalad ma ahan ma yeeleyno ama afar kursi kaas degaal aan ka hignaa ayey dheheen bes labadaas beel halka shey ay dheheen ha isku raacan kuwa kale caada qaatiyaasha ah oo dhan ayaga ka adag taas Ayaan hubaa wsc
Comments are closed.