Shil Gaari oo Ay Dad Ku Dhinteen oo Maanta Ka Dhacay Degmada Cadale ee Gobolka Shabelaha Dhexe

0
67

shil-gaariWarar aynu ka heleyno Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Shil Gaari oo ka dhacay Duleedka Degmada Cadalle ee Gobolka Shabellaha Dhexe ay ku dhinteen Afar Qof 22 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay ayaa la sheegay in ay la socdeen Gaari Ti-em ah,iyadoo Afarta Ruux ee Geeriyootay ay ku jiraan Labo Haween ah.

Guddoomiyaha Degmada Cadalle ee Gobolka Shabellaha Dhexe Muxuyadiin Suudi Macalin ayaa sheegay in Dadkii ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Keydsaney ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Gaariga Rogmaday uu ka tagay Magaalada Muqdisho islamarkaana uu ku siijeeday Degaan la yiraado Ceel-bacad oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.