Wafdi uu Hogaaminaayo Reysulwasaaraha Xukuumada Federalka oo Maanta Safar Ugu Ambabaxay Gaalkacyo

0
24

cumarWafdi uu hoggaaminayo Reysulwasaraha dowlada federalka Somalia ayaa maanta u ambabaxay magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Cadaado, si xal looga gaaro dagaallo dhawaan ciidanka maamullada Puntlandi yo Galmudug ku dhexmaray degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Reysulwasaraha Somalia oo Puntland ay shalay ka horjoogsatay inuu tago Gaalkacyo ayaa la sheegay in maanta ay ogolaadeen, kaddib dadaallo lagu bixiyay inaanay hor-is-taag ku sameyn socdaalka ra’iisul wasaaraha Somalia.

Xubnaha wafdiga Reysulwasaraha Somalia ayaa waxay isugu jiraan wasiirro iyo xildhibaano waxaana inta ay socdaalka ku maqan yihiin lagu wadaa inay kulammo la qaataan wax-garadka iyo mas’uuliyiinta deegaannada Galmudug iyo Puntland.

Si kastaba arintu ha ahaatee Reysulwasaraha iyo wafdigiisa ayaan weli la hadlin warbaahinta waxaa lagu wadaa in marka ay tagaan Gaalkacyo ay ka warbixiyaan safarkooda iyo waxay doonayaan inay ka qabtaan colaadda Gaalkacyo ka taagan.