Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa waxay kooxo hubeysan ku dhaawaceen magaalada Muqdisho saakay, iyadoo mas’uuliyadda dhaawaca loo geystay xildhibaankan sheegatay Al-shabaab.
Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa xildhibaanka ku dhaawacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo markii ay dhaawaca geysteen ka baxsaday goobta.
Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhaawaca xildhibaanka loola cararay Isbitaalka, inkastoo aanu sheegin sida uu yahay dhaawaca xildhibaankan baarlamaanka ka tirsanaa.
Sidoo kale, goobjoogaayal ayaa sheegay in xildhibaanka ay xabaduhu kaga dhaceen qaybta sare ee jirkiisa uuna dhaawiciisu culus yahay, waxaana xilliga la weerarayay uu ku socday xarunta baarlamaanka Somalia.
Warar iminka nasoo gaaray ayaa ku waramaya inuu Xildhibaan Gurxan u geeriyooday dhaawacii soo gaaray maanta.