Taliyaha guud ee hay’adda nabad-sugida Qaranka, Somalia, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare ayaa amar ku bixiyay in la baaro gaadiidka noocyadooda kala duwan ee soo galaya Muqdisho iyo kuwa ka baxaya intaba.
Jen. Tuur-yare oo booqday ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan kontaroolka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa ku boorriyay ciidammada koontaroolkaas ku sugnaa inay baaris adag lagu sameeyaan gaadiidka iyo gaari dameerrada isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay gaadiidka sida khudaarta iyo caanaha Muqdisho kusoo wajahan.
Sidoo kale, Jen. C/raxmaan Tuur-yare ayaa amar ku bixiyay in qofka Muqdisho soo galaya ee da’adoodu ka yar tahay 40-sano oo laga shakiyo la weydiiyo damiin ama inay aqoonsiyo wataab, taasoo uu sheegay inay qayb ka ah sugidda amniga caasimadda Soomaaliya.
Amarkan kasoo baxay taliska nabad-sugida Somalia ayaa saameyn ku yeelan kara ardayda wax bartashada u yimaada magaalada Muqdisho iyo dadka kale waaliddiintood ay ku nool yihiin deegaanada ka baxsan Muqdisho.