Ayadoo todobaadyadii lasoo dhaafey daafeet.com ay xil gaar ah iska saartey sidii ay u ogaan laheyd musuqmaasuq aad u balaaran oo la sheegey inuu ka jiro degmada wanleweyn ee gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa inoo suura galey in aan xiriir la yeelano qeybaha kala gedisan ee bulshada ku dhaqan degmada wanleweyn.
Intiinii horey ula socotey moqduucan ku saabsan musuqmaasuqa balaaran ee ka dhex jira hey’adaha samafalka maxaliga ah ee ka howlgala degmada wanleweyn ayaa waxaan horey usoo bandhigney in hey’adahaasi ay wax adeeg ah u qaban bulshada, Ka dibna waxaan u gudubney maamulka masuuliyiinta degmada iyo kan gobolka si aanu ayagana dhankooda wax uga ogaano cabashooyinka kasoo yeeraya dadka ku dhaqan degmada wanleweyn.
Anagoo ka duuleyna fakirka saxaafada ee ku dhisan dhexdhexadnimada ayaan waxaan ka wareysaney arimaha musuqmaasuqada shacabka ku dhaqan degmada wanleweyn ay ka sheeganayaa hay’adaha maxaliga ah gudoomiyaha degmada wanleweyn Isaaq Caliyow maame.
Suaalaha gudoomiyaha aan weydiiney ayaa guud ahaan waxaa ay ku saabsanaayeen maamulka degmada, adeegyada uu u qabto shacabka, iyo xiriirka ka dhexeeya maamulkiisa iyo hay’adaha samafaklka ee ka howl gala degmada.
Isaaq Caliyow ayaa waxaa uu inoo sheegey in ay jiraan hay’ado badan oo deegaanka ku sugan isla markaana aan weligoood waxba u qaban shacabka ku dhaqan degmada wanleweyne hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
gudomiyaha degmada wanle mobil
Sidoo kale ayaa si aan wax uga ogaano cabashada kasoo yeereysa degmada wanleweyn iney ka war hayaan maamulka gobolka shabeelaha hoose ayaa dhankiisa wareysaney gudoomiye ku xigeenka dhaqaalaha maamulka shabeelaha hoose cabdifataax cabdulle yusuf kana soo jeeda degmada shacabkeeda cabanaya ee wanleweyn cabdifataax oo uyara muuqdey in arimaha ka jira degmada wanlewyn uu wax kala socdo ayaa isaga dhankiisa yiri.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
Daafeet.com waxaa ay idiin balanqaadeysaa in ay sii wadi doonto la kulanka dhinacada kala gedisan, Anigoo sidoo kalana idiin balan qaadaynaa in hey.adaha naftirkoda masuuliyiintooda aan wareysi idinka soo qaadi doono
( Daafeet.com waxaa ka go,an iney idiin soo bandhigto gunta cabashada shacabka go,aankana waxaa is kaleh shacabka dhibanaha ah )