Alshabab oo Maanta Weerar Ku Qaadey Hottel Saxafi ee Magalada Muqdisho

0
69

Ugu yaraan 12 qof ayaa oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo milkiilihii hotel Saxafi ayaa ku geeriyooday, in ka badan 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen weerar Al-shabaab ay saakay ku qaadeen dhismaha Hotel Saxafi oo ku yaalla isgoyska lambar afar ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa ku billowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiya ayaa lagu jabiyay albaabka hore ee hoteelka, iyadoo markaas kaddibna ay kooxo hubeysan gudaha u galeen hoteelka, iyadoo weli la maqlayo rasaas dhacaysa.

Sarkaalka oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray. “Innagu illaa hadda waxaan ognahay inay ku dhinteen weerarkan 12 qof, balse ma sheegi karo sida ay kala yihiin.” Wuxuuna weerarkan ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo amniga Muqdisho.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Abtidoon oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Somalia, milkiilihii Hotel Saxafi, C/rashiid Shire Il-Qayte iyo abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan [Dhego-badan] iyo wariyeyaal ka tirsan idaacadaha Muqdisho qaarkood.

Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay mas’uul ka tahay weerarka ayna xoogagooduna ay weli ka dagaallamayaan gudaha hoteelka Saxafi, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ay geysteen iyo midka loo geystay.

Sidoo kale, Sheekh Abu-Mucab ayaa sheegay in xoogaggoodu ay hadda howlgallo gaar ah kawadaan gudaha Hoteel Saxafi, inkatsoo uusan sheegin howlgaladan nooca ay yihiin iyo sida loo fulinayo.