Wasiirka Gaashaandhiga oo Maanta Tegey Garoonka Belidoogle

0
26

diiniWafdi ka kooban saraakiil oo uu horkacayo Wasirrka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Muqdisho ayaa maanta gaaray Garoonka Diyaaradaha Ballidoogle ee Gobolka Shabeelada hoose.

Wafdiga saraakiisha ayaa waxa ka mid ahaa Taliyaha dhawaan xilka la wareegay Maxamed Aadan Axmed Buud iyo saraakiil hogamisa guutooyinka qabiilka ku dhisan ee Maleeshiyada Dowlada lagu magacaabo.

Waxa halkaasi kusoo dhaweeyey saraakiil kale oo horey ugu sugnaa Garoonka Ballidoogle, waxaana salaan ay ka qaateen Maleeshiyaad hore u joogay Garoonka.

Garoonka Diyaaradaha Ballidoogle oo ku dhow Degmada Wanlaweyn ayaaba in mudo ahba waxaa ku sugnaa ciidamo shisheeyo iyo maleeshiyo beeleedyo ku labisan dareyska dowlada.