Qaramada Midoobay ayaa ku amaantay Dowlada Ethiopia doorka ay ku leedahay nabad ku soo celinta wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay iyo sida geesinimada leh ee ciidamada nabad ilaalinta ugu yaboohday dalalka Africa ee dagaalada ay la degeen.
Sida maanta oo jimco ah ay sheegtay Wasaarada arimaha dibada Ethiopia,Qaramada Midoobay ayaa xukuumada Adis-ababa ku abaal marisay bilad sharaf ku aadan ciidamada nabad ilaalinta Ethiopia ee naftooda u huray gudashada waajibaadka howgalka nabad ilaalineed ay ka wadaan meelo ka kala duwan oo Africa ka tirsan.
Xaflad lagu qabtay xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay oo ku taalo magaalada New York,ayaa lagu abaal mariyay Ethiopia,waxaana Ethiopia bilad sharaftaasi u matalayay safiirka Ethiopia u fadhiya Qaramada Midoobay Tekeda Alemu,
Ku dhawaad 8,000, ciidamo Ethiopian ayaa hada qeyb ka ah Howlgalka Nabad ilaalinta oo ay maalgeliso Qaramada Midoobay,kuwaasi oo ku sugan dalalka Soomaaliya,Koonfurta Suudaan iyo gobolka muranka uu ka taagan yahay Abyei Saliida Qaniga ku ah.