Madaxweynaha Dowlada Federalka oo Maanta Muqdisho Kula Kulmey Wefdi Ka Socda dalka Mareykanka

0
51

xasanMadaxweynaha dowlada federalka somaliya  Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta magalada Muqdisho kula kulmay danjire Tina Kaidanow oo ah xiriiriyaha Hawl-gallada La-dagaallanka Argagixisada ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Xasan Sheekh oo kulanka ay ku wehliyeen RW Sharma’arke, Wasiirka Arrimaha Dibadda, C/salaam Cumar Hadliye iyo xubno kale ayaa uga Warramay Danjire Kaidanow Xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada iyo koboca dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somalia ay si weyn baahi ugu qabto in laga taageero dhinaca dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta xarrumo lagu barto mihnadaha kala duwan, si taasi gacan uga geysato dib u soo kabashada dhaqaalaha, shaqo abuurista iyo sugidda amniga.

Danjire Tina Kaidanow ayaa ayana dhankeeda sheegtay in Mareykanka uu si weyn ugu qanacsan yahay horumarka Dowladda Soomaaliya sameyneyso, iyadoo xustay inay sii wadi doonaan taageerada lagu xaqiijinayo in horumarkaan horay loo sii wado.