Kulankii Maanta Ay Yeesheen Ergooyinka Shirka Cadaado oo Qeylo iyo Sawaxan Ku Dhamaadey

0
26

cadadoKulankii ugu horeeyey oo ay maanta yeesheen ergada ka qaybgalaysa Shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Somalia ee dhawaan lasoo xulay ayaa ku dhamaadey qeylo iyo sawaxan.

Kulanka maanta ayaa waxaa uu ahaa in looga hadlo dastuurka uu yeelan doono maamulka, Laakiinse shirka oon wax badan soconin ayay Guddiga Farsamada ee Shirka Cadaado iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia waxay ku dhawaaqeen inuu shirku xiran yahay kaddib markii la isku afgaran waayay nuqulada dastuurka ee la qaybiyay oo ay ka Maqnaayeen Qodobo Xasaasi ah.

Xukuumadda Somalia iyo Guddiga Farsamada ayaan weli ka hadlin sababta keentay inay ku dhawaaqaan in shirku uu xiran yahay, balse waxaa la sheegayaa inuu buuq ka dhashay nuqullada dastuurka ah ee la qaybiyay.