Kulan ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka dowlada federaalka ayaa mar kale dib u dhac ku yimid kulankaas oo cod loogu qaadi lahaa mooshinka laga keeney baarlamaanka maamulka Axmed Madoobe.
Sababta baaqashada kulanka ayaa la sheegey in ay tahay kooram la’aan shirka u furmi waaye, iyadoo Guddoonka uu ku dhawaaqay in kooramka oo aanan dhameyn awgiis uu kulanka u baaqday.
Kooramka Xildhibaanada ayaa wuxuu ku furmayaa 139 Xildhibaan, hadii tirada intaasi ay ka yar tahay suuragal ma’ahan in kulanka uu furmo.
Si kastaba arintu ha ahaatee baaqashadan uu baaqdey kulanka ayaad waxaad moodaa in ay salka ku heyso loolanka xaga siyaasada oo ay isku hayaan kooxaha doonaya in mooshinka hir galo iyo kuwa diidan oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dowlada federalka.