Bahda Daafeet Media Oo Tahniyad Dhalasho ah U Diraya Agaasimaha Ishabaydhaba Ilyaas Qalinle Iyo Afadiisa Xabiiba Cadow Cabdullaahi

0
277

dhalashoHambalyo, Dhamaan Bahda Warbaahinta Daafeet Media oo isku duuban waxay si wadajir ah Farxadna ku dheehan tahay ay Hambalyo Dhalasho oo qaali ah ugu dirayaan Agaasimaha Warbaahinta Ishabaydhaba Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) iyo Marwadiisa Xabiiba Cadow Cabdullaahi oo maanta 26-02-2015 Wiil ugu dhashay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Wiilkaas oo loo bixiyay Maxamed Ilyaas Saciid waxaan leenahay soo barbaar oo noqo kii Dalkiisa, Dadkiisa, Diintiisa Iyo Waalidkiiba Anfaca Inshaa Allaah.

Mar labaad waxaan leenahay Hambalyo Hambalyo Hambalyo Soo barbaar Maxamed Ilyaas oo noqo kii Ummadiisa Anfaca Inshaa Allaah.