Wasiirka cusub ee gaashaandhiga DF Somaliya, C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta xilkii kala wareegay wasiirkii hore wasaaraddan, Maxamed Sh. Xasan Xaamud, kaddib xaflad ballaaran oo ka dhacday xarunta wasaaradda difaaca Somalia, taasoo ay kasoo qayb-galeen taliska guud ee ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil ka socotay dalalka dhanka gaashaandhigga ka taageera dowladda Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aaden Cilmi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in wasiirkii hore wax badan uu qabtay muddadii uu xafiiska joogay, isagoo uga mahad-celiyay shaqadii ay soo wada-qabteen, wuxuuna dhanka kale soo dhaweeyay wasiirka cusub ee maanta xilka la wareegay.
Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Somalia, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa isna sheegay inuu qalbi furan kusoo dhawaynayo wasiirka cusub ee la wareegaya xilka, C/qaadir Sheekh Cali Diini, isagoo ballan-qaaday inuusan waxba ka hagran doonin wasiirka cusub sidii howshu ay horay ugu socoto, wuxuuna u mahadceliyay laamaha kala duwan ee taliska ciidamada xoogga dalka.
Wasiirka cusub ee gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo munaasabadda ka hadlay ayaa mahad-celin kaddib, wuxuu hoosta ka xariiqay siyaasaddiisa guud ee ku wajahan wasaaradda inay ugu horreyso dib u dhiska ciidamada Qaranka oo isku dheeli tiran.