Isbedel lagu Sameyn Doono Golihii Wasiirada ee uu Dhawaaw Sameeyey Reysulwasare Cumar Cabdi Rashiid

0
137

golaha_wasiiradaReysulwasaaraha Cumar Cabdirashiid ayaa beryahan waxaa uu magalada muqdisho ka wadaa wadatashiyo ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa golihiisa wasiirada isla markaana xubnaha barlamaanka ay uga mid noqon lahaayeen.

Xafiiska R/wasaaraha ayaa waxaa laga dareemayaa mashquul badan iyadoo kulamada qaar ka mid ah Baarlamaanka iyo R/wasaare Cumar ay yihiin kuwo isdaba joog ah sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ku dhow dhow xafiiska.

Waxaa hada soo baxaya warar sheegaya in qaar ka mid ah 20-wasiir ee uu dhowaan magacaabay R/wasaaraha isbadal lagu samayn doono oo lagu soo badalayo doono xubno ka tirsan Baarlamaanka.

Xukuumada la dhameestirayo ayaa qorshuhu wuxuu yahay in 25-wasaaradood laga dhigo waxaana la sheegayaa in kala bar ama in ka badan in Xildhibaano ay noqon doonaan.

Barlamaanka dhexdiisa waxaa ka samaysmay garabyo gaar kala duwan oo xildhibaano ay ku mideesan yihiin kuwaasi oo kala ah kooxda Badbaado qaran iyo kooxda toosinta talada dalka.

Si kastaba arintu ha ahaatee xildhibaanada barlamaanka ayaa moodaa in ay afduub ku heystaan dhisida xukuumada cusub balse waxaa la is weydiinayaa xildhibaanada maadaama ay u qeybsan yihiin 3 garab  sida ay kaga soo dhex muuqan karaan xukuumada isla markaana sedexdooda qeybood ay qeyb waliba u qanci laheyd.