Xukuumada Somaliland Iyo Mucaaradka oo Kasoo Horjeestey Warsaxaafadeed Shaley Kasoo Baxay Xukuumada Somaliya

0
176

somalilanXukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si kull uga jawaabay dingiintii ay dowladda federaalka Somalia ay shalay u dirtay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo howl shidaal baaris iyo qodis ah ka wadda deegaanno ka tirsan gobolka Awdal.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Xuseen Cabdi Ducaale ayaa ku tilmaamay go’aanka dowladda ee ku aaddan in shirkadda ARC ee Shiinaha ay joojiso howlaha ay ka waddo Somalia iyo inay dalka si deg-deg ah uga baxdo.

Wasaaradooda Macdantana waxay si rasmi ah u soo saartay war ku saabsan arrintan oo aflagaaddo ku ah Somailland, innagu waxaan weydisanaynaa dowladda Soomaaliya inay joojiso wixii ka horimaan kara heshiiskii ay wada-galeen Somaliland iyo dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Ducaale.

Ugu dambeyn, wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa sheegay inay si sharci ah Somaliland kaga howlgalayso shirkadda ARC ee dalka Shiinaha ka diiwaan-gashan, howsha sahminta baarista macdanta ka wadday gobolka Awdal muddo laba sannadood ah; howsheedana ay sii wadayso oo aan la joojin doon.

Dhanka kale, Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa sheegay in howsha ay shirkadda Shiinuhu kawaddo gobolka Awdal ay ku howlgalayso heshiis rasmi ah oo ay la gashay xukuumadda Somaliland, wax dowladda Somalia arrintan ka quseeyana aysan jirin.