Dowlada Uganda ayaa muujisay ku qanacsanaan la’aanta dib u dhaca lagu sameeyay magdhowka lasiin lahaa qoysaska askartooda ay kugeeriyoodeen iyagoo ka qeybqaadanaya howlgalka AMISOM.
Warar laga soo xigtey wasiirka gaanshaadhiga wadanka Ugdan Dr.Crispus Kiyongo, Uganda wali ma aysan helin magdhowga hantidii ka burburtay iyo askartiii Soomaaliya looga dilay, sida diyaaradii uga burburtay gudaha wadanka Kenya sanadkii 2012 taa oo usoo socotay wadanka Soomaaliya,burburkeedana ay ku dhinteen ilaa 7 askari.
Dowlada Uganda ayaa marar badan ka codsatay midowga Africa in ay magdhow ka bixiyan hantida iyo ciidamada dowladu ay ku weesay howlgalka Soomaaliya,balse Midowga Africa ayaan wali ka hadlin.
Si kastaba arintu ha ahaatee howgaladan ay magdhowga ku weydisanayaa dalka Ugandha waxaa kaloo sidaa si la eg ugu dhinta ciidamo somaaliyeed balse su’aasha la is weydinayaa ah ciidanka somaliyeed ee ku dhinta dagaaladaas yaa ayagana magdhow siiya.