Warar faahfaahsan oo laga helayo weerar Xalane lagu qaaday

0
41

xalaneWaxaa soo baxaya faah faahin dheeraad ah oo laga helayo weerarkii qorsheysnaa ee duhurnimadii maanta lagu galay Xarunta Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Xaruntii hore ee tababarka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Xoogag hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxay Xarunta Xalane ka galeen Albaabka hore ee xarunta oo loo yaqaano (Madina Gate) Iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in nin uu isku qarxiyay halka wararka kalana ay sheegayaan in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu jebiyay albaabka hore.

Albaabka hore ee Madina Gate waxaa ku sugnaa tiro ka tirsan Ciidamada Uganda oo Amisom ka tirsan waxaana la rumeysan yahay in ay ku la’deen qaraxii hore ee albaabkaasi lagu jebiyay.
Niman ku hubeysan qoryaha daran dooriga u dhaca iyo walxaha qarxa ayaa waxay gudaha u galeen xarunta Xalane iyadoo la soo sheegaayo in ay si toos ah u abaareen Xafiiska Taliyaha Ciidamaa Uganda ee Xalane.

Xoogagaan ayaa waxay iska caabin xoogan kala kulmeen Ciidamada Midowga Afrika ee Xalane ku sugan waxaana laga dhex maqlaayay daryanka qaraxyada iyo rasaasta noocyadeeda kala gedisan oo si weyn looga maqlaayay goobaha ku dhow dhow aagga Madina Gate.

Iska horimaadku waxa uu sababay in hakad uu ku yimaado hawlihii shaqo ee ka soconaayay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde.

Nin ka tirsan Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ayaa ku waramaaya in ciidan xoogan la soo dhigay wadooyinka soo gala Garoonka si looga hortaggo weeraro kale oo lagu soo qaado qaybaha Garoonkaasi.

Dhanka kale weerarka lagu qaaday Garoonka ayaa waxa uu iminka u muuqdaa mid soo gaba gaboobay iyadoo la maqlaayo rasaas teel teel ah isla markaasna hal dhinac kasoo dhecaysa taasi oo u muuqata in ay ridayaan Ciidamada Amisom laakiin aan si rasmi ah weli loo xaqiijin karin in weerarka la soo afjaray.

Danjire Nicholas Kay Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya oo qoraal kooban kaga hadlay weerarka lagu qaaday Xarunta Taliska Amisom ee Xalane, ayaa wuxuu ku sheegay weerar argagaxiso isla-markaana aanu Soomaaliya ka leexin doonin dhabaha ay ku socoto.

War kooban oo isna lagu qoray mid ka mid ah baraha Shaabka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka uu weli socdo isla markaana ay Ciidamada AMISOM weli isku dayayaan markii 4aad inay dib u qabsadaan Xerada Xalane saacado kadib markii ay qabsadeen ciidamadooda halka kaalin shidaal oo ciidanka AMISOM ku lahaayeen gudaha Xalanena ay weli gubanayso.