Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta furay shirka wada-hadalka dowladda Soomaaliya iyo Puntland, kaasoo muddo saddex maalmood ah ka socon doona magaalada Garoowe.
C/weli Sheekh Axmed oo furtitaanka shirka uu ku weheliyay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isagoo ku boorriyay labada ergo ee wadahadlaya inay maskaxda ku hayaan muhiimadda ay arrintan u leedahay dalka Soomaaliya iyo wada-shaqaynta dowladda dhexe iyo Puntland.
Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, adkaynta xiriirka labada dhinac, deeqaha iyo horumarrinta iyo heshiisyadii hore ee dhex-maray xukuumadihii hore iyo Puntland. Ra’iisul wasaaraha ayaa ku dhiirri-gelinaya labada dhinac ee saddexda maalmood shiraya inay la yimaadaan daacadnimo iyo inay ka turjumaan duruufaha ku xeeran dowladda federaalka iyo Puntland, isla-markaana heshiiska la gaari doono uu noqdo mid dhaqan-galaya.
Wadahadallada u furmay dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa imaanaya xilli ay horay Puntland u sheegay inay xiriirkii wada-shaqeyneed ee dowladda kala dhexeeyay, kaddib markii ay ka carootay maamulka loo dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Daafeet.Com